Deeq A. Posted December 25, 2018 Dab geystay khasaare hantiyadeed ayaa maanta ka kacay dhisme ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Qof Goob jooge ah ayaa u sheegay Goobjoog in dabkan uu ka kacay Koronto gurigaa ku jirtay, iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay in la damiyo. Waxaa gubtay dhammaan agabkii yaallay halka dabka uu ka kacay, iyadoo dabdamisyada Shirkadda Hormuud ku guuleysteen in dabka damiyaan inta aanu usoo gudbin qeybaha hoose ee dhismaha. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/GOOBJOOGE-DABKA-BAKAARAHA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites