Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalad adag oo ka taagan Degmada Marko iyo Al Shabaab oo go’doomiyay waddooyinka gala

Recommended Posts

Deeq A.   

Marko (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose oo dhawaan ciidamada dowladda ay la wareegeen ayaa sheegaya in  ciidamada Al Shabaab ay go’doomiyeen degmadaasi.

Xaalad aad u adag ayaa ka taagan degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay sheegayaan masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha Hoose iyo xildhibaanada kasoo jeeda deegaanadaasi.

Saneter Axmed Macalin Cumar oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa sheegay in Al Shabaab ay go’doon geliyeen dhamaan waddooyinka gala degmada Marko taasi oo xaalad adag gelisay shacabka degmada.

Wuxuu Sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay go’aan ka qaadato arrimaha halista ku keenaya shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxaa uu shaaca ka qaaday in xaalad adag oo dhanka Noloshada ay  haysato Shacabka ku nool Magaaladaasi.

Magaalada Marka ayaa dhawaan waxaa la wareegeen ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya, iyadoona halkaasi ay ka saareen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this