Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharax isu-sharaxaya Madaxweynenimo oo Qaylodhaan & Xiisada ka dhex abuuri doona Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharax isu-sharaxaya Madaxweynenimo oo Qaylodhaan & Xiisada ka dhex abuuri doona Puntland

 ccc.jpg

Waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in Prof. Cali Ciise Cabdi ka qeybgali doono doorashada Madaxweyne ee Puntland sanadkan.

Sida ay wararku sheegayaan uma tartamayo xilka Madaxweyne ku-xigeen, balse madaxweynaha ayuu u ordi doonaa.

Waa kuma Cali Ciise Cabdi?

Cali Ciise Cabdi waa aqoonyahan aad ugu takhasusay dhaqaalaha oo jagooyin sar sare ka soo qabtay Bangiga Aduunka iyo hay’adda caalamiga ah ee lacagta (IMF).

Sidoo kale waxa uu ku dhawaad 30 sano dalal badan oo African ah la taliye ugu ahaa dhinaca kobcinta dhaqaalaha.

Hadda, waa guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Maxaa ku gaar ah?

Haddii ay dhacdo in Cali Ciise isu sharraxo xilka Madaxweynaha Puntland waxaa la filan doonaa –

1 – Qeylo-dhaan beesha Maxamuud Saleebaan

Caadiyan, wali ma dhicin in shaqsi sidaas miisaan u leh oo ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn (Sool clan) isu soo sharraxo xika Madaxweyne ee Puntland.

Taas, waxa ay wal wal badan ku abuuri doontaa beesha Maxamuud Saleebaan oo 20-kii sano ee ay Puntlad jirtay jagadaas xidhatay, waxaa dhici karta xataa haddii uusan Cali Ciise guuleysan in Majeerteenka kale helaan.

Sababta ayaa ah in Cali Ciise xildhibaanada Sool clan intooda badan heli doono, xoog ay hore Maxamuud Saleebaan ku tashan jireen.

2- Reer Puntland oo aan Soo dhaweyn doonin musharaxnimadiisa

Cali Ciise Cabdi waxa uu ka mid ahaa aas aaseyaashii maamulka Khatumo State ee 2012 lagu dhisay magaalada Taleex.

Waxa uu ahaa siyaasi aad uga soo horjeeda in beesha Sool clan wax la wadaagto Majeerteen, taas waxa ay abuuri doontaa kacdoon uga yimaada reer Puntand oo ay ku qoonsan doonaan.

Iyada oo uusan wali xaqiijin musharaxnimadiisa, baraha bulshada waxaa si weyn la’isula dhexmarayaa eedo hordhac ah oo loo jeedinayo iyo digniin ku saabsan musharaxnimada Cali Ciise Cabdi.

3 -Sicir barar ku dhici doona Xildhibaanada Puntland

Hore waa loo ogaa, in sanadkan xildhibaanada Puntland ay ka dhargi doonaan dhaqaale tiro badan, hase ahaatee, is sharrixida shaqsi Cali Ciise Cabdi oo kale ah, oo la fahansan yahay in uu gacansaar la leeyahay dowladda Dhexe waxa ay cirka ku toil doontaa qiimaha lagu kala

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this