Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxaan Ka Cabsi Qabaa In Natiijo Al-Shabaab Ka Daran Ay Ka Dhalato Soomaaliya…” Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Walaac Muujiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa walaac ka muujiyay xaalada Soomaaliya ee xilligan.


Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in faragelintii dowladda Itoobiya ku sameysay Soomaaliya sanadkii 2016 ay ka dhalatay in Al-Shabaab sameysmeen.

Waxaa uu sheegay in cabsi weyn uu ka qabo in natiijo ka daran Al-Shabaab ay ka dhalato Soomaaliya, taasoo uux usay in saan-saanteeda muuqato.

Ma sheegin natiijadaas iyo halka ay ku qotonto, balse biyaha dhaca warkiisa ayaa ahaa heshiiska saddex geesoodka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ee is dhex galka ah.

“Faragelintii Itoobiya ay Soomaaliya ku samaysay sanadkii 2006dii, Dowladda Mareykanka ayaa gadaal ka taagneed. Waa la wada ogyahay oo waxaa ka dhashay Alshabab. Saansaan sidii u eg ayaa muuqata. Markan waxaan ka cabsi qabaa in natiijo Alsbabaab ka daran ay ka dhalato”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Inta badan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhaliilo ugu soo jeediya dowladda Federaalka baraha bulshada, hadana waxaa uu aad ula kulmaa falcelino aad u kulul ee dadka ra’yigiisa ka soo horjeeda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this