Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyo Kaligeed Carruur Korsatay Oo Sirteeda La Wadaageysa Dumarka Kale

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-“Waxaan maalin walba arkaa dhibaatada ay maraan hooyooyinka,” ayey tiri Jenni Lee oo ah hooyo si kali nimo ah ku soo korisay carruurteeda.

“Waxan ka howlgalaa xarun ay ku nool yihiin dad sabool ah, halganka ay hooyooyinka wajahaan maalin walba ma ahan mid sahlan.”

Jenni ayaa barteeda Facebook-ga ku soo qortay farriin ay ku dhiiragelinayso waalidiinta kale.

“Waxan rabay in dadka ay ogaadaan inay jiraan dad kale oo fahansan, ayna ogaadaan inaysan kaligood ahayn.”

.
Carruurta Jenni ayaa waxa ay kala jiraan 12 sanno, 15, 16 iyo 21 sanno, waxayna sheegtay in hadda ay nolosha u fududaatay.

Jenni ayaa ayaa dadka ku taxan barteeda facebook-ga la wadaagtay geeraar dheer oo ay uga hadlayso carruurteeda.

“Waxay guriga la imaadaan warqado ku saabsan safarka iskuulka oo u baahan lacag, marka waa inaan lacag ka dayansado asxaabta.”

“Maalmaha aan qarash fiican haynin waxaan ku mashquulin jiray cunnooyin fudud.”

“Waxaad iigu imaaddeen sarriirtayda saqdii dhexe habeenkii, anigoo oynaya oo isku dayaya inaan seexdo.”

“Xasuusta Markii aan soo lugayn jirnay, idinkoo iskuulka ka soo baxay, maxaa yeelay ma aanan awoodin inaan Bas idin saaro.”

“Marka aan idin geeyo xeebta, waxaan idiin oggolaan jiray inaad dabaalataan. waayo waxaan rabay inaad faraxdaan.”

“Mar walba oo aad u baahatan labis wanaagsan, waxaan soo jeedi jiray habeenkii oo dhan, si aan idiinku helo dharka aad jeceshihiin, maxaa yeelay ma doonaynin inay dadka idinku qoslaan.”

“Marka la igu casuumo xafladaha habeenkii, waxaan dooran jiray inaan guriga idinla joogo, maxaa yeelay waxaad u baahneydeen xasillooni iyo in lacag la idiin keydiyo.”

“Waxaan si qarsooni ah qolkiina usoo geli jiray habeenkii waxaana ku fadhiisan jiray sarriirta, ma jirin wax aan raadinayey balse waxaan rabay inan ogaado inaad fiicantihiin. Waxaan jeclahay inaan idin daawado xilliga aad hurdaysaan.”

“Marka aan dareemo inaan guul daraystay, waxaad i dareensiisaan jacayl.”

“Ujeedadayda ayaad tihiin, waxaad tihiin jacaylkayga rasmiga ah, waxaadna tihiin ujeedada aan subax walba u kaco.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this