Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog Cusub: Maxaa Cumar Cabdirashiid Ka Reebay Doorashada Madaxweynaha Maamulka Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Waxaa aad loo hadal hayey sanadkan in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke isu soo taagi doono doorashada Madaxweyne ee Puntland.

Cumar oo ah Senator ka mid ah Aqalka Sare, ayaa ku jira siyaasiyiinta sida weyn u dhaliilsan dowladda ay gadh-wadeynka ka yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre.

Waxaa aad loo saadaalinayey in sanadkan uu Garowe loolanka ka socda ka qeybgali doono maadama uu ku fashilmay doorashadii 2017 ee lagu doortay Madaxweyne Farmaajo.

Halkaas ayaa la qabay in uu saldhigan doono si uu awooddiisa siyaasadeed ee uu ku saameyn karo Villa Somalia ugu yeesho.
Cumar Cabdirashiid waxaa la wada ogyahay in u gacan saar weyn la leeyahay Imaaraadka oo lagu tilmaamo in uu yahay DILAALKOODA Soomaaliya iyo Geeska Africa.

Maxaa ka reebay doorashada?

Sida xoge hoose lagu heley Cumar Cabdirashiid iyo Imaaraadka shir ay dhawaan ku yeesheen magaalada Dubai ayaa lagu kala dooran siiyey laba midkood; 1 – Halagugu taageero doorashada Puntland, 2 – Ama doorashada 2021-ka Soomaaliya.

Ilo wareedyada waxa ay xaqiijiyeen in Cumar Cabdirashiid doortay doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya la filayo in ay ka dhacdo 2021-ka, oo booska Puntland loo daayey Cabdiweli Gaas iyo Siciid Deni kii guuleystay.

Siyaasiyiinta ugu cad cad ee qorshaha kowaad iyo Labaad u ah Imaaraadka ee Puntland waa Cabdiweli Gaas iyo Siciid Deni.

Ma hubna in taageerada Imaaraadka wax u tari doono Cumar Cabdirashiid, waxaana jirtay in malaayiin dollar oo ay ku bixiyeen sanaddii 2017 ay waxba tari weysay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this