Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka G/Banaadir Oo shaqada ka joojiyay guddoomiyaha Yaaqshiid

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiye ku xigeenka G/ Banaadir ee dhinaca Maaliyadda, ahna ku simaha guddoomiyaha gobolka Xuseen Maxamed Nuur ayaa shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan (Geedow).

Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiye ku xigeenka oo ku taariikheysneyd 23-kii bishan ayaa si rasmi ah shaqadii looga jojiyay guddoomiyaha degmadaasi.

Guddoomiye Geedow oo haatan safar dibadda ah ku maqan ayaa lagu eedeeyay arrimo la xariira musuq-maasuq iyo wax is daba marin intaba.

Sidoo kale Wareegtadan ayaa lagu xusay in shaqada guddoomiyaha degmada Yaaqshiid uu sii wadi doono guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmadaasi.

Waa markii labaad ee uu Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur uu shaqo joojin ku sameeyo guddoomiye degmo, isagoo ah ku simaha guddoomiyaha gobolka , ahna Duqa Muqdisho Eng  C/raxmaan Yariisow.

The post Maamulka G/Banaadir Oo shaqada ka joojiyay guddoomiyaha Yaaqshiid appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this