Deeq A. Posted December 25, 2018 Baladweyne ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka ee gobolka Hiiraan Nabadoon Dacar Xirsi Nuur oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka. Ugu horreyn Nabadoonka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay wax badan ka qabatay gudaha dalka. Nabadoon Dacar ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan, lana shaqeeyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu ka dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in ay u turaan shacabkooda, kana shaqeeyaan danta guud ee Qaranka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Hiiraaan-1.mp3 The post Nabadoon Dacar “Wax badan ayey qabatay DFS” appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites