Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ka socda HirShabelle Oo ku wajahan degmada Buulo-burte

Recommended Posts

Deeq A.   

Buulo-burte ( Sh. M. Network )-Wafdi ka socda dowlad goboleedka HirShabelle ayaa saaka ku wajahan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Wafigan oo isugu jira Xildhibaano iyo mas’uul sar sare oo ka tirsan maamulkaasi ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ujeedka wafdigani ayaa ah ka qeyb galka munaasabad xil wareejin ah oo ka dhaceysa gudaha degmadaasi.

Munaasabaddani ayaa waxaa xilalka kula kala wareegaya guddooomiyaha cusub ee Buulo-burte Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi iyo guddoomiyihii hore ee degmadaasi Cabdi Daahir Guur (Karoore).

Dhinaca kale waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka degmada Buul-burte, iyadoona saaka Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM lagu arkayo magaaladaasi.

19-kii bishan ayey aheyd markii isbedal lagu sameeyay maamulka degmadaasi, kadib Wareegto ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee HirShabelle.

The post Wafdi ka socda HirShabelle Oo ku wajahan degmada Buulo-burte appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this