Deeq A. Posted December 24, 2018 Maxaas ( Sh. M. Network ) – Kulankan oo ah mid saddex geesood ah ayaa waxa uu dhexeeyaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hiiraan iyo Odayaal ka kala socda Beelaha ku dagaalamaya agagaarka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Cabdi Muumin Cilmi oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle ayaa sheegay in loo baahan yahay nabad iyo xasilooni ka hirgasha degmada Maxaas iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolkaasi. Waxaana uu ugu baaqay Odayaasha labada dhinac ee matalaya Beelaha dagaalamay in ay qaataan waan waanta loo jeedinayo, si Caruurta iyo Haweenka ku dhaqan halkaasi ay u helan horumar deegaan. Sidoo kale waxa uu mas’uulkan carabka ku dhuftay, islamarkaana uu beeniyay in dagaalkan uu salka ku hayo Aanooyin Qabiil. Xaaladda ayaa maanta dagan, iyadoona mas’uuliyiin kala duwan oo ku baxay colaadaasi ay ku sugan yihiin degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. The post Kulan dhex dhexaadin ah Oo ka socda degmada Maxaas appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites