Deeq A. Posted December 24, 2018 Muqdisho (Sh. M. Network) – Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee looga hadlo qorshaha cafinta daymaha kaas oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya. Wasiirka maaliyadda ayaa ra’iisul wasaaraha uga warbixiyay guulaha laga gaaray shuruudaha dayn cafinta ee dawladda lagu xiray iyo shaqooyinka qabyada ah ee dhammaytirka u baahan si loo dar-dar geliyo qorshaha cafinta daymaha Soomaaliya Shirka Toddobaadlaha ah ee geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya oo ay kasoo qayb galaan dhammaan dhinacyada qaybta ka ah geeddi socodka ayaa looga hadlaa qodobada ka fulay heshiiskii Hay’adda lacagta adduunka (IMF) iyo Dawladda Soomaaliya iyo dar-dar gelinta qorshayaasha fududaynaya in Soomaaliya daynta laga cafiyo. Dowladda Federaalka ayaa dadaal xooggan gelisay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay,waxayna Hay’adaha dhanka maaliyadda ka taageera Soomaaliya ku ammaaneen daahfurnaanta iyo kobaca dhaqaalaha dalka uu sameeyay sanadihii ugu danbeeyay. The post RW Khayre Oo guddoomiyay shir muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites