Deeq A. Posted December 24, 2018 Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen shaqsi ka tirsan Daacish. NISA ayaa sheegtay in ruuxa ay qabteen uu Daacish u qaabilsanaa soo xero gelinta xubnaha cusub ee kooxdaas iyo sidoo kale faafinta wararkooda. “Howlgal aan cidi wax ku noqon ayaa ciidamada amniga 23-ka bishan, kusoo qabteen howlwadeen ISIS u qaabilsanaa soo tashkiilinta xubna cusub iyo faafinta wararkooda beenta ah (Borobagaandhada), waxaana la horkeeni doonaa cadaaladda” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Ururka Daacish ayaa si weyn ugu xooggan deegaannada Puntland, gaar ahaan buuraha Galgala. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites