Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Madaxweyne Farmaajo Oo Doorashada Maamulka Puntland Shir Qarsoodiya U Qabtay.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Muqdisho)Warar hoose aya asheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan gaar ah Madaxtooyada Soomaaliya kula yeeshay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Puntland.

1390C97C-4F07-4548-AC13-77E1838904D5.jpe

Kulankan uu codsaday Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay Doorashada dhawaan la qorsheynayo inay ka dhacdo Puntland taasoo dhowr Musharixiin ay ku hardamayaan Xilka Madaxweynaha xiga ee Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa codsaday in la shaqeeyo sidii ay Doorashada ugu dhici laheyd Hab Cadaalad oo muran iyo isqabqabsi uusan ka imaan isagoo ugu baaqay Xildhibaanada Siyaasiyiinta inay la socdaan arrimaha doorashada.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Puntland ku amaanay Nabad gelyada iyo Horumada ay ku talaabsatay isagoo sheegay in Dimuqraadiyad lagu yaqaano Dowlad Gobaleedka Puntland sidaa darteedna ay Doorashada u dhicidoonto si Habsami leh oo aan Muran ku jirin.

Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanadaPuntland ee ku jira Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u sheegay Madaxweynaha in wanaagsan ay ku socdaan wax waliba, isla markaana ay si gaara ula socdaan meelaha wax kala marayaan, iyagoo wada tashiyo joogta ah la yeesha Waxgaradka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale kaga digay Masuuliyiintan inay faragalin ku yeeshaan Doorashada maadaama Dowlada Federaalka ay matalaan isla markaana ay jiraan tuhuno ah inay wadato Musharixiin qaar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this