Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Manchester United Oo Heshiiska KMG Ah Ee Tababare Ole Gunnar Solskjaer La Sii Gashay Ka Hor Caydhintii Mourinho.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Manchester)Maamulka kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay qoddob laga qariyay saxaafada kubadda cagta la galeen tababaraha KMG ah ee Ole Gunnar Solskjaer kahor intii aysan si rasmi ah ugu bedelin tababarihii shaqada laga caydhiyay ee Jose Mourinho.

2D7CFEA5-5DD9-45FE-A74B-49164664791E.jpe

Solskjaer ayaan filanayn bilaw ka fiican midkii uu xalay ku helay dalka Wales kaddib markii uu kursiga keydka kasoo daawaday xiddigaha kooxdiisa oo natiijo 1-5 ah dhulka ku jiidaya Cardiff City oo ay booqdeen.

Goolal ka kala yimid Marcus Rashford, Ander Herrera iyo Anthony Martial ayaa siiyay hoggaan 1-3 ah qaybtii hore kahor labadii gool ee Jesse Lingard, United ayaa siddeed dhibcood kusoo koobtay farqiga dhibcaha booska afraad ee horyaalka iyaga oo ka faa’idaystay guuldaradii Chelsea soo gaadhay.

Haddaba, Iyadoo uu suuqii kala iibsiga ee bisha January fooda inagu soo hayo, Waxa hore loo filayay in Ole Gunnar uu heli doono caawin dhaqaale balse dhacdadaas ayaa ah mid aan dhici doonin.

Wargeyska The Mirror ayaa ku warramaya in tababaraha reer Norway uusan wax kharash ah ku bixin doonin suuqa January maadaama qoddobka hore loola gaadhay uu dhigayay inuu ku shaqeeyo safka kooxda ku sugan ee 500 Milyan ku fadhiya.

Araartan ayaa ah mid maamulka Red Devils ay 45 jirkan la gaadheen kahor intii uusan bedelka u noqon Mourinho oo salaasadii la iska fasaxay.

Iyadoo ay haatan ka shaqaynayaa arrimaha tababare cusub oo rasmi ah, Maamulka ayaa doonaya inay dhigtaan lacagtooda oo ay la sugaan tababaraha xiga ee rasmi ah.

Dhinaca kale maamulka ayaa qaba in safka haatan ee kooxdu uu yahay mid tamar badan leh balse Mourinho uu ahaa midka aan garanayn sida wanaagsan ee looga faa’idaysto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this