Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Burundi Oo Ka Hor-timid Qorshaha Midowga Afrika Ee Ciidamadeeda Lagaga Dhimayo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burundi)-Dowladda Burundi ayaa ka soo horjeesatay qorshaha Midowga Afrika ee ku aadan in la dhimo Ciidammada ka jooga Soomaaliya bisha February ee sanadka 2019.

Afhayeenka Ciidamada Burundi Col. Floribert Biyereke ayaa sheegay in aanay suura gal aheyn in 1,000 oo ka mid ah Ciidamadooda ka saaraan Soomaaliya sanadka 2019.

Waxaa uu sheegay in wada xaajood ka geli doonaan sidii si isku mid ah dalalka qeybta ka ah howlgalka AMISOM looga saari lahaa ciidamada ka jooga Soomaaliya, halkii Midowga Afrika si gaar ah u beegsan laheyd Ciidanka Burundi.

Qeyla-dhaanta ka soo yeeray dowladda Burundi ayaa ka dambeysay, markii Midowga Afrika uu ku dhawaaqay in la dhimayo illaa 1,000 askari oo ka socda Burundi ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo dib loogu celinayo dalkooda.

Burundi ayaa ah dalka labaad ee ugu badan Ciidamada AMISOM ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, waxaana ciidanka ka jooga Soomaaliya ay gaarayaan illaa 5,400 askari.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this