Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Iyo Sacuudiga Oo Ku Heshiiyay Kordhinta Tirada Xujeyda Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo booqasho ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir iyo Wasiir ku-xigeenka Xajka.
Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay arrimaha xajka iyo sidii loogu kordhin lahaa dadka Soomaaliyeed tirada sannad kasta soo xajisa.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in sannadkan la kordhiyo tirada dadka Soomaaliyeed ee xujeyda ah, laguna daro 2,200 (Labo kun iyo Labo Boqol oo xujey ah).

Tirada Xujeyda Soomaalida ee sanadkan xajin doonta ayaa ka dhigan 11,500 (Kow iyo Toban kun iyo Shan Boqol oo Xujey) halka sanadkii hore ay aheyd, Sagaal kun iyo Sedex Boqol (9,300 ), waxaana la filayaa in la dedejiyo soo saarista dal ku galka ama Viisaha Xajka.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Nuur ayaa sheegay in la isla gartay sidii loo wanaajin lahaa adeegyada la siiyo Xujeyda Soomaalida, sida deegaanada la dejiyo, gaadiidka, iyo cunnada la siiyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this