Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’addo Caalami Ah Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Somaliland Ka Taageeraya Daryeelka Duurjoogta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Windhoek)- Sanduuqa Daryeelka Ugaadha (CCF) ayaa shaaca ka qaaday in iskaashiyo caalami ah oo dhexmaray Hay’addo Yurub iyo Afrika ah lagu taageeri doona dedaalada Somaliland ee daryeelidda duurjoogta.

Qoraal ka soo baxay xafiiska CCF oo shalay lagu baahiyey mareegta Africa Geographic ayaa lagu sheegay in iskaashi dhexmaray Vétérinaires Sans Frontières, ee dalka Czech (VSF-cz), USAMV Cluj-Napoca ee Romania, Jaamacada Hargeysa, hay’adda Heritage Somaliland iyo CCF, kaasi oo bilaabmay November 1, 2018.

Deraasaada hay’addaha ayey qeyb ka ahaan doonaan waxbarasho jaamacadaha Somaliland, qeybahooda caafimaadka xoolaha loogu kordhinayo qaababka loo daaweeyo loona daryeelo duurjoogta.

“Waxaanu bilaabi doonna aqoon lagu barto caafimaadka duurjoogta, iyo sida loo daryeelo kuwa sii dabar-go’aya,” ayuu sheegay Prof. Dr. Andrei Daniel Mihalca.

USAMV iyo VSF-cz ayaa sidoo kale keeni doona mutadawaciin ku takhasusay daryeelka duurjoogta, si ay u taageeraan xarunta daryeelka Duurjoogta Somaliland, oo wakhtigan lagu hayo noocyo duurjoog kala duwan oo la qabtay dad tahriibinayey.

“Somaliland wakhtigan ma joogaan dhakhaatiir caafimaadka duurjoogta, keliya waxaan haynaa qof xanaaneeya duurjoogta la soo qabto,” ayey tidhi Dr. Laurie Marker, Guddoomiyaha CCF. Arday shan sannadood baranayey cilmiga duurjoogta, oo tababar loogu diray dalka Jordan.

CCF oo lagu aasaasay dalka Namibia sannadkii 1990, isla markaana ah urur samofal oo u halgama daryeelka duurjoogta caalamka, ayey wada shaqeyn ka dhexeysay Somaliland illaa sannadkii 2011-kii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this