Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada oo toogatay ruux gawaarida qarxa dhigi jiray goobaha Dadweynaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka toogatay ruux la sheegay inuu ahaa kuwa gawaarida qaraxyada ku xiran yihiin dhiga goobaha ay shacabka ku badan yihiin.

Ruuxaasi ayaa magaciisa lagu sheegay C/qaadir Abuukar Shaacir, waxaa la sheegay inuu Al Shabaab ka tirsanaa una qaabilsanaa in gawaarida qaraxyada ku xiran yihiin uu dhigo waddooyinka iyo goobaha dadweynaha ku badan yihiin.

Ninkan waxay Ciidamadda Ammaanku ku qabteen Bishii May ee Sannadkan Degmadda Xamarwayne xilli uu halkaasi dhigay Gaari Qarax ah, Sida saraakiisha ciidamada qalabka sida ay sheegeen.

Sidoo kale C/qaadir Shaacir waxaa la sheegay inuu ahaa Shaqsigii dhigay Gaariga Qaraxa ah Agagaarka Wasaaradda Amniga Qaranka, kaasi oo dad badan ay ku dhinteen sanadkii lasoo dhaafay.

Toogashada ayaa waxay ka dhacday Fagaaraha Dugsiga Sare Booliska, waxaana dilkaan uu nonayaa midkii ugu horeeyay oo ruux ka tirsan Al Shabaab una qaabilsan dhigida gaadiidka la toogto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this