Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal faraha looga gubtay oo ka dhashay Shabeelaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Dagaal xoogan oo bilowday gelinkii dambe ee shalay ayaa ka dhacay deegaano hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana dagaalada ay socdeen saacado badan.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in deegaanka Qalimow ee duleedka dhanka Koofureed ee magaalada Jowhar uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada xooga dalka iyo maleeshiyaad ku sugnaa deegaanka.

Xaaladda dagaalka ayaa sii korortay kadib markii Maleeshiyaad kale oo fariisin ku lahaa duleedka deegaanka Qalimow ay ka shakiyeen rasaasta ayna u qaateen inay yihiin maleeshiyaad kale oo uu dagaal kala dhaxeeyay iyaga oo  ku biiray dagaalka oo seddex geesood noqday.

Inka badan shan ruux ayaa ku dhintay dagaalka ka dhacay deegaanka Qalimow, waxaana saraakiisha ciidamada xooga oo ku sii jeeday magaalada Jowhar la sheegay inay gacanta ku dhigeen rag maleeshiyaadka kamid ahaa, kuwaasi oo loo kaxeeyay magaalada Jowhar.

Shakiga ugu badan ayaa ka jira wadadaasi, waxaana meel ku dhow degmada Balcad ku sugan ciidamada Al Shabaab oo inta badan wadada u gala ciidamada dowladda iyo madaxda Hirshabeelle ee mareysa wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda weli kama hadlin dagaalkaas ka dhacay duleedka tuulada Qalimow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this