Sign in to follow this  
Deeq A.

Warar kasoo kordhay dagaal Daacish iyo Al Shabaab ku dhexmaray gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaano Hoostago Deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Daacish uu ka dhacayay deegaanka ilaa xalay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka lagu dagaalamay ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 dagaal yahan ay iska dileen labada dhinac oo dagaal saacado qaatay uu ku dhexmaray deegaano hoostaga Ceelcadde.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii labada dhinac ay iclaamiyeen midba midka kale inuu dagaal ku qaadayo, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay uu sababay dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac.

Dhinaca kale waxyeelada dagaalka ayaa gaartay dadka shacabka ah, kadib markii labo ruux oo dhalinyaro ah meydkooda laga helay deegaanka Lahelow ee gobolka Gedo, halkaasi oo lagu dagaalamay.

Magacyada wiilasha meydadkooda la helay waxaa lagu sheegay Cabdullahi Yuusuf Cismaan iyo Ibraahim Cabdi Diiriye waxaana marka la dilayay ay wateen mooto.

Xaalada goobihii shalay ilaa xalay lagu dagaalamayay ayaa wali kacsan, waxaana dadka deegaanka ay bilaabeen inay ka baxsadaan goobaha lagu dagaalamayo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this