Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanno mar kale eedeyn kulul u jeediyay Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

 

ri?ph=70924bca-0f93-473b-a26d-87f16bc40d8d&ts=2DAABBgABAAECAAIBAAsAAgAAAJscGApJd0QzRzg1cEprHBbl16X_r8a-mocBFsPeh46Y2YyatQEAHBbanYKuhainjSQW39XB1uOhrb3LAQAWlviCwgsVAgAsHBUCABwVAgAAHCbUlYmDBBUEFQQmyJWJgwQWwpWJgwTWoAYAHCaq2ZyABBaC4q6ABBaA6eCABBbe6cKABBUIHBS0ARSwCwAVBBUKFqAGJqAGRQoAAAA
Xildhibaanno mar kale eedeyn kulul u jeediyay  Farmaajo
 20181223636811594465368756farmaajo-4-620

 Xlidhibaannadii dhawaan soo gudbiyay soo jeedintii ka dhanka ah aheyd madaxweynaha dowladda Soomaaliya, laakiin sheegay in ay  ka tanaasuleen soo jeedintoodii xil ka qaadista, ,ayaa mar kale eedeyn u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xusseen Odawaa oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in tan iyo markii la doortay uu mashquul ku ahaa sida uu hadalka u dhigay carqaladeynta maamul gobolleedyada dalka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiin Soomaaliyeed.

‘’Madaxweynaha hadda tallada haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladda uu hoggaamiyo oo ku dhaw dhaw Labo Sano waxaa uu mashquul ku ahaa weerarrada maamul gobolleedyada isaga oo ku bilaabay Cali Cabdullaahi Cosoble, wuxuu ku xejiyay Xaaf, ugu danbeyntiina Shariif Xassan Sheekh Aadan’’ ayuu yidhi xildhibaan Odawaa oo ka mid ahaa xildhibaanno dhowr ah oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho’’

Eedeymaha sidoo kale xildhibaannada ay u jeediyeen madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa weerarro lagu qaaday siyaasiyiinta, sida C/raxmaan C/shakuur, weerarkii Cabdi Qeybdiid, sidoo kalana u gacan galiyay dowladda Itoobiya Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in dowladda hadda jirtay ay soo kordhisay wax loogu yeedho sida uu hadalka u dhiggay {Gar iyo Gardaro} oo xilka looga tuuray ayuu yidhi guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

Waxaa kaloo eedeymaha ku jirtay kala diridii Guddiga Maaliyadda oo ay xuseen xildhibaannadu in aysan dhicin mid la mid ah illaa sanadkii 2000 oo la soo dhisay dowladdii Carte in la kala diro Guddi Baarlamaani ah, oo soo bandhigay warbixin musuq maasuq iyo lacago maqan, meeshii la filayay inay jawaab ka bixiyaan ay sababtay in ay kala diraan Guddiga Maaliyadda, lana soo saaro warqado sharci darro ah.

‘’Madaxweynuhu waxaa uu magaalada Baydhabo isaga oo adeegsanaya ciidamo shisheeye uu ka soo afduubay Mukhtaar Rooboow Abuu-Masuur oo aan ognahay in uu isaga laftiisa siiyay Basaboor Diblomasi ah, una diray magaalada Baydhabo ‘’ laakiin markii uu ka waayay danihiisa si qasab ah u soo xidhay’’ ayuu yidhi Cabdiraxmaan Odawaa.

Ugu danbeyntii xildhibaannada ayaa shirkooda Jaraa’id waxaa ay ku sheegeen in sababta ay mooshinka uga laabteen tahay in ay u tureen danta dalka iyo dadka, madaama uu garan waayay ayeey sheegeen madaxweynuhu in uu dalka badbaadiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan sheegay in xildhibaannadii keenay soo jeedintii xil ka qaadista madaxweynaha ka tanaasuleen mooshinkii ay soo gudbiyeen, isaga oo uga mahad celiyay tanaasulka ay sameeyeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this