Deeq A. Posted December 24, 2018 Balcad ( Sh. M. Network )-Illaa saddex ruux ayaa ku Geeriyootay, tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal Beeleed shalay gelinkii dambe ka qarxay deegaanka Buku Rarka Dhiiqaaley oo u dhexeeya deegaanada Gololey iyo Cadayga oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalkan oo xalay soo gaaray ayaa dadka dhintay waxaa ku jira Wiil yar, wuxuuna ka dhashay muran la xariira arrimo ku saabsan deegaameysi iyo aanooyin horay u soo jiray. Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa saaka ku baxay colaadaasi, si ay u kala dhexgalaan Maleeshiyaadkaasi, waxaana weli muuqata in halkaasi ay ka jirto xiisad xoogan. Deegaanada lagu dirirayo oo ah dhul Beereed baaxad leh ayaa in muddo ah waxaa ka jiray khilaaf u dhexeeyay Beelahaasi walaalaha ah ee wada daga halkaasi. The post Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites