Deeq A. Posted December 24, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ku fulisay C/qaadir Abuukar Shaacir oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Ninkan oo horay loo xukumay ayaa waxa ay Maxkamaddu sheegtay in Al Shabaab uu u qaabilsanaa in Gawaarida Qaraxyada uu dhigo melaha bartilmaamedkooda ah. Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa tilmaamay in C/qaadir Abuukar Shaacir uu ahaa shaqsigii ka dambeeyay Gaari siday qaraxyo oo la dhigay agagaarka xarunta Wasaaradda amniga gudaha ee magaalada Muqdisho Ciidamada amniga ayaa la sheegay in ninkani Bishii May ee sanadkani ay ka soo qabteen degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir. Inta baan Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku rida xubnaha ka tirsan Al Shabaab ee ay soo qabtay Ciidamada amniga Soomaaliya. The post Maxkamadda CQS Oo saaka fulisay xukun dil Toogasho ah appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites