Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Turkiga Iyo Raysal Wasaaraha Israel Oo Eedaymihii Ugu Cuslaa Hawada Isu Mariyay.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Ankara) Maalmahan waxaa dib u soo cusboonaaday erayada kulul oo ay isdhaafsanayeen madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo ra’isul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu.

C9B3ACB2-2C82-4693-8B82-B275EF679ED9.jpe

Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlayey Yuhuudda ayaa waxaa uu yiri “Yuhuudda Isra’il waxaa ay dadka darbeeyaan iyaga oo dhulka jiifa, rag keliya ma aha ee waa haween iyo caruur, laakin haddii aan muslimiin nahay waa naqaan sida loola dhaqmo, waa haddii ay ku dhiiran karaan inay noo babac-dhigaac, cashar ayaan u dhigi laheyn”.

Ra’isul wasaaraha Israa’il Netanyahu oo hadalkaasi ka jawaabaya waxaa uu yiri “Erdogan – waa nin xoog ku heysto waqooyiga Qubrus, oo ciidamadiisa ay xasuuq u gesyteen haween iyo caruur Kurdish ah oo ku nool meel gudaha ama dibadda Turkiga ah, nin noocaas ah ma aha inuu wacdiyo Isra’il.

Erdogan oo mar kale hadalkan ka jawaabayo waxaa uu leeyahay Netanyahu waxaa uu madax u yahay “dowlad argigixiso ah”

Dhankiisa wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Cavusoglu waxaa uu Netanyahu ku tilmaamay“Dilaa dhiig-yacab ah ee casrigan”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this