Sign in to follow this  
Deeq A.

Masiibo Dhulgariir Oo Lagu Hoobtay Oo Markale Ka Dhacday Dalka Indonesia+SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Indonesia ) Dhul gariir badda hoosteeda ku dhuftay ayaa dhibaato aad u xoogan ka geesatay Jaziirado iyo magaalooyin kuyaala dalka Indonesia , waxaana hada socda baadi goob loogu jiro dad badan oo wax ku noqday dhul gariirka.

FD746410-4339-4CB4-A3A9-F4FD352464F2.jpe
  • 7DD3E51A-4AEF-4534-8A9E-94546CA6FD20.jpe
  • 80FF2F9A-7C8E-4A71-81E1-446965F48C3A.jpe
  • 2441E034-3A7E-495E-A5E6-7C6E9C41ACEA.jpe
  • 1A311E2D-E098-4225-840B-0FA4B454EB8D.jpe

Inta la xaqiijiyay dad gaaraya 200-qof ayaa ku dhintay Tsunamiga ku dhuftay dalka Indonesia, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay boqolaal qof oo kale oo qaarkood xaalad halis ah ku jiraan, waxaa sidoo kale jira dad aan la heyn nolol iyo geeri.

Guryo, Hoteelo iyo dhismayaal kale oo badan ayaa ku dumay dhulgariirka iyo duufaanta Tsunamniga ee ku dhuftay xeebo kuyaala dalka Indonesia, waxaana dadka ugu badan ee dhintay ay joogeen dhul xeebeed.

Dhul gariirka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka Indonesia ayaa la sheegay in ay sababtay fulkaano badda hoosteeda ka qaraxday , waxaana fulkaanadaasi ka dhashay dhul gariir iyo duufaano xoogan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this