Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal beeleed xoogan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxay dagaal beeleed maanta ka qarxay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka oo ka dambeeyay markii maleyshiyo beeleed ay isku qabsadeen Dhul beereed ayaa ka dhacay tuulada Bukurarka Biiqaaley.

Hal qof, oo lagu sheegay inuu ahaa wiil 10-sano jir ah oo hoygiisa ay ugu tegtay xabad, ayaa ku geeryooday dagaalkaan ka dhacay degaankaasi udhaxeeya tuulooyinka Goley Daa’uud iyo Cadeyga ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Is-qab-qabsiga dhulalka ee sababay iska hor-imaadkaan Galabnimadii maanta dhacay ayaa soo jiitamayay muddo sanado ah.

Dadka degaanka ayaa u sheegay idaacada Shabelle inay socoto dedaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisad ka dhalatay isku-dhacaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo meesha ay wax ka dhaceen ayaa sheegaya in maleyshiyaad ay dib ugu laabteen halkii ay kasoo abaabuleen dagaalkaan maanta dhacay.

Arbacadii kasoo dhaafay ayay sidaan oo kale udirireen maleyshiyaadkan, xili is-rasaasaynta dhex-martay la xaqiijiyay inay dishay hal ruux, kaasi oo la tilmaamay inuu qof kamid ah dadka degaanka uu ahaa.

The post Dagaal beeleed xoogan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this