Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka soo kordhay khilaafkii Gu’jir iyo Axmed Barre?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku simaha ahna, wasiir ku xigeenka wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland,Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa maanta kulan albaabadu u xidhanyihiin la qaatay, guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo duqa caasumadda Garowe oo maalmihii u dambeeyay khilaaf maamul ka dhexeeyay.

Kulanka oo mudda saacado ah socday, ayaan warbaahinta loo soo bandhigin natiijadii ka soo baxday,hase yeeshee ilo’xog-ogaal ah oo ku dhow mas’uuliyiinta kulmay ayaa Puntland Post u sheegay, in laga shirayay xal u helista khilaafka dhanka maamulka ah ee soo kala dhex galay guddoomiyaha gobolka Nugaal,Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gu’jir) iyo duqa degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse(Axmed Barre).

Khilaafkan ayaa Sabtidii shalay si cad u soo shaac-baxay, kadib markii guddoomiyaha gobolka Nugaal uu digniin u jeediyay, duqa caasumadda,isagoo ku eedeeyay in uu wado ol’ole siyaasadeed oo ku jihaysan, taageerada dowladda Federaalka ah. Sidoo kale wuxuu uga digay in uusan qaban shirar siyaasadeed aysan ogayn maamulka gobolka Nugaal.

Haddaba sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen ilo’xog-ogaal ah,waxaa kulankii  maanta lagu xalliyay khilaafkii u dhexeeyay labada mas’uul  ee kala ah;Gu’jir iyo Axmed Barre,waxaana  dib loo soo celiyay wada-shaqeyntii maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada  Garoowe oo maalmahan go’neyd.

“Waxaa lagu heshiiyay in si buuxda loo wada-shaqeeyo,lagana tanaasulo wixii qaladaad ah oo la kala tabanayo,waana lagu qancay oo gacmaha la is-qabsaday” sidaasi waxaa sheegay qof xogtan la socday.

Wasiir ku xigeenka ahna, ku simaha wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland,Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa la sheegayaa, in uu dadaal badan ku bixiyay xal u helista khilaafka,isagoo ugu dambeyntiina ku guulaystay in uu heshiisiiyo labada mas’uul.

Kulanka khilaafkan lagu dhammeeyay ayaa waxaa goobjoog ahaa,  wasiir Qoob-deero,guddoomiyaha degamda Dangoroyo ee gobolka Nugaal,duqa caasumadda Garoowe iyo  guddoomiyaha gobolka Nugaal,sida ay xogtan sheegayso.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Maxaa ka soo kordhay khilaafkii Gu’jir iyo Axmed Barre? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this