Sign in to follow this  
Deeq A.

Baaq Ururka Midnimada Direed oo baaq ka soo saaray dhibaatada ka taagan Deegaanada ka tirsanaan jiray gobolka Siti iyo iyo magaalada Diri dhabe

Recommended Posts

Deeq A.   

U/M/D 004/2018

Ujeedo: Baaq.

Salaadiinta, Boqorada, UgaasyadaAqoon yahanka, waxgaradka Iyo dhamaan qaybaha bulshada ee uu ka kooban yahay Ururka Midnimada Direed (UMD) waxay bayaan ka soo saareen sadexda tuulo ee kala ah

1. Gadhamaytu

2. Cundhuftu

3. Cadhaytu

Saddexdaas magaalo oo ay deganyahiin Beesha Ciise oo ka mid ah beelweynta Direed,
kana tirsanaa ka hor 07/09/2014
degaanka ismaamulka somalida Ethiopia gaar ahaan degmada Ma’aysu ee gobolka Siti.

Sidoo kale degaanadaas oo isku halka degmo ka wada tirsanas ka hor taariikhda kor ku xusan, balse lagu kala daray sadex degmo oo ka tirsan maamulka canfarta.

. Magaalada Gadhaytu oo la raaciyay degmada Amibira ee maamulka canfarta

. Halka magaalada Cundhuftu laga raaciyay degmada Gawaani ee maamulka canfarta

. Magaalada Cadhaytu ayaa iyadana la raaciyay degmada Mille ee maamulka canfarta

Dhulkaas oo aan umada degan ee somaliyeed habayaatee wax talo ah laga waydiin wareejintiisa, balse sifo baal marsan
sharciga uu ku wareejiyey maamulkii u adeegayay xukuumadii hore ee talada gacanta ku haysay

Hadaba anagoo ah Madax dhaqameedkii aqoonyahankii iyo waxgaradkii Beelaha Direed Waxaanu ka codsanaynaa Xukuumada Federalka ah ee dalka Ethiopia iyo Dawlad deegaanka Somali state

In umada halkaa degan lagu soo celiyo deegaankii ay ka tirsanayeen ka hor 07/09/2014 ee Somali State, maadama dhulkaa lagu daray maamulka kale iyadoo aan sife sharci ah loo marin.

Sidoo kale cabashooyinka ka jira Magaalada Diridhabe, dhulka la yidhaa Marmaasan dhulkaas oo ah dhul Soomaaliyeed ka hor 2017 hoos tegi jiray degmada Shiniile.

Maadama deeganka aan loo marin sife sharciga waafaqsan loo marin wareejintiisa, dadka degaankana aan
afti laga qaadin, waxaanu Xukuumada Federalka Ethiopia iyo Dawlada deeganka somalida ka codsanaynaa in dhulkaasna lagu soo celiyo degmadii aay hoos tegi jireen si xal loogu helo xaalada amni daro ee ka taagan magaalada Diridhabe deegaankaasina u noqdo mid xasiloon.

Wa bilaahi towfiiq

Stockholm, Sweden
Ibrahim Ali Adan
Gudoomiyaha Ururka Midnimada Direed
Ibrahimadan@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this