Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Guray:Kulmiye Ehel buu u yahay Muddo-kordhinta,Wax lagu faano & xaragaabay ka dhigtaan ” Ii Kordhi aan kuu Kordhiyee”

Recommended Posts

Deeq A.   
 

KKKKKK yaa ictiraafba ka hadlaya dawladnimo ayaa laga hadlayaa iyo ku dhaqanka sharciga oo dastuurku kow ka yahaye. Korsi loo dortay shan sanadood in 15 sanadood ku fadhiyo xildhibaanku haduu qurux u arko dantiisa gaarka ah ee shakhsiga ah wax ka badan kamuu talinin waana sida xildhibaanadu u badan yihiin.

gry.jpg

Kulmiyena malaha waaba siyaasadiisa waayo muddo kordhinta ehel buu u yahay ceebna uma yaqaano Kulmiye ee wax lagu faano iyo xarago ayaabay ka dhigtaan II KORDHI AAN KUU KORDHIYO EH. Waayo tani 2010kii dalka iyagaa hogaaminayay inta muddo kordhmo dhacayna waynu ognahay. Mudadaa wixii wanaagsanaaday guusheeda iyaga ayaa leh wixii xumaadayna iyagaa leh. Sharafta iyo quruxda iyo karaamada dawladnimadu kuma jirto kii la doortaa marka muddo-xileedkiisu dhamaado inu kursiga isku sii dhejiyo oo iskaga fadhiyo uun ee waxay ku jirtaa qofka xil loo doortaa marka muddo xileedkiisu dhamaado inu kursiga baneeyo hadii sharcigu u ogol yahay uu doonayana mar kale u soo tartamo oo hadii uu ku guulaysto intii uu fadhiyay in le’eg hadana ku sii fadhiyo iyadoo xalaal ah oo sharci ah.

Cali maxamed Yuusuf (Cali Guray)

Kulmiyaha Debed-yaalka ah

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this