Deeq A. Posted December 23, 2018 Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Golaha amniga iyo nabadda ee Ururka MidOwga Africa ayaa Ansixayay qorshe cusub oo Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay gacanta ku hayaan ee Soomaaliya. Qorshahan oo loo yaqaano Concerpt Operation ayaa la sheegay in uu yahay mid ay dajiyeen taliska Milatariga AMISOM, kaas oo ka bilaaban doona gobolka Jubbadda Dhexe, si looga saaro Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Howgalladan waxaa si wadajir ah u fulin doono Ciidamada maamulka Jubbaland, kuwa DFS iyo Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Afhayeenka AMISOM Col Richard Omwega ayaa sheegay in qorshahani uu qeyb ka yahay waqtiga kala guurka, kaas oo AMISOM ammaanka dalka ugu wareejineyo Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya sanadka 2021-ka. Al Shabaab ayaa weli gacanta ku haya deegaano dhowr ah oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoona inta badan weero ka fuliya gudaha dalka. The post Midowga Africa Oo ansixiyay qorshe ka dhan ah Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites