Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka “Somalia waa u muhiim Midowga Africa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington ( Sh.  M. Network )-Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan arimaha Afrika danjire Tibor Nagy ayaa cadeeyay taageerada buuxda ee dowladda Maraykanku la garab taagan tahay dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Danjire Tibor Nagy oo shir jaraa’id ku qabtay Washington ayaa si cad hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay Midnimada iyo  wadajirka dhul ahaaneed ee Soomaaliya  wuxuuna yiri “ Wada jirka dhul ahaaneed ee dalka Soomaaliya waa arin muhiim u ah Midowga Afrika. Markaa Maraykanku wuxuu la dhaqmayaa dawladda federalka ee  Soomaaliya ee xarunteedu tahay Muqdisho, Waxaanu intii awoodayada ah samaynaynaa inaanu xoojinno dalwaddaas dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba, Waqtigaan siyaasadda Maraykanku waa inay si toos ah ula dhaqanto dawladda Federaalka ee Soomaaliya.”

Hadalkaan kaaliyaha xoghayaha Arimaha dibadda ee maraykanka ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan dowladda maraykanku  ku dhawaaqay inay Soomaaliya ugu deeqday lacag ku dhow hal bilyan oo dollar.

Soomaaliya iyo Maraykanka waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo saaxiibtinimo, waxayna dowladda Maraykanku safka hore kaga jirtaa dalalka saaxiibada ah ee aad u daneeya arimaha Soomaaliya, wuxuuna Soomaaliya ka taageeraa dhinacyada Amniga, Horumarinta adeegyada bulshada  iyo dib u soo noolaynta Kaabayaasha dhaqaalaha.

The post Mareykanka “Somalia waa u muhiim Midowga Africa” appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this