Sign in to follow this  
Deeq A.

Sucuudiga Oo cambaareeyey qaraxyadii shalay Ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Riyaad ( Sh. M. Network )-Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kulul u cambaaraysay qaraxyadii isxigxigay oo shalay ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kuwaasoo galaaftay nolosha dad maato ah aan waxba geysanin.

Masu’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa wakaaladda wararaka sacuudiga u shaagay inay Xukuumadiisu cambaaraynayso falalka noocan ah ee argagixisinimada,wuxuu cadeeyay inuu dalkiisu uga tacsiyadeynayo Xukuumadda Soomaaliya iyo ehelada marxuukumintii ku geeriyootay qararyadaasi naf la caariga ah.

Wuxuuna sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay ka soo horjeedo nooc kasta oo fal argagixiso ah,wuxuuna u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay falalkaasi inuu eebe bogsiiyo kuwii ku dhintayna janadiisa ka waraabiyo.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda  dalka Baxreyn bayaan ay soo saartay ayay ku cambaaraysay qaraxyadaasi waxayna  sheegtay in ay la jirto Xukuumadda Soomaaliya kana saacidayso ka hortagga falalka cadawtinimo ee noocan ah oo xasiloonida iyo nolasha shacabka Soomaaliya qalqal gelinaya.

Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Baxreyn ayaa lagu sheegay  in mowqifkeeda ku aadan argagixisada uu yahay mid cad kana shaqeynayso sidii dunida looga cirib tiri lahaa.

The post Sucuudiga Oo cambaareeyey qaraxyadii shalay Ee Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this