Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Guddiga Joogtada Aqalka Sare Oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddiga joogtada Golaha Aqalka Sare ee BFS oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka arrinsaday Daraasad ku saabsan nidaamka federaalka ee dalalka Caalamka iyo sidoo kale doorka Aqalka Sare ee ilaalinta danaha dowlad goboleedyada dalka.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Senator Mowliid Xuseen Guhaad.

Habdhowraha Golaha Aqalka Sare C/kaafi Macalin Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay kulankaasi.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka SareMowliid Xuseen Guhaad ayaa kulanka kadib tacsi u diray Ehelladii iyo Qaraabadii ay dadkoodu ku dhinteen qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Senator Mowliid Xuseen Guhaad ayaa ugu baaqay XFS, gaar ahaan wasaaradda Caafimaadka in ay gurmad u fidiso dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi.

Shalay ayey aheyd markii qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen agagaarka Tiyaatarka Qaranka iyo Taallada Daljirka Daahsoon ee magaaladaMuqdisho, kuwaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen Askar iyo dad Rayid ah oo aan waxba galabsan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

5-300x200.jpg 1-2-300x200.jpg 2-4-300x200.jpg 3-300x200.jpg

The post Sawirro:-Guddiga Joogtada Aqalka Sare Oo kulan ku yeeshay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this