Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka Oo Si Wadajir Ah U Cambaaraysay Qarax-Yadii Shalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Qaar ka mid ah dowladdaha iyo Ururadda Caalamiga ah ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxyadii shalay lagu weeraray Kontoroolka Tiyaatarka dalka Soomaaliya.

Dowladdaha Carabta,kuwa Yurub, iyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in Qaraxaasi ay aad uga naxeen,islamarkaana uu kusoo aaday xilli Amniga Caasimadda uu soo hagaagaayay.
Dowladda Mareyanka ayaa sheegtay in ay qaadi doono tilaabo looga jawaabaayo Qaraxyaddii Al-Shabaab ee ka dhacay Muqdisho,islamarkaana ay laba jibaari doonto howlgallada dhanka cirka ah ee ay ka waddo Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Sacuudi ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa Laba Qarax ku qaaday Barkontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Ilaaladda Madaxtooyadda oo ku taalla Tiyaatarka Qaranka iyo waliba daljirka Dahsoon ee Muqdisho.

Ku dhawaad 27 qof oo Isugu jira Askar iyo Dad Shacab ah ayaa ku dhintay Qaraxyadii Shalay ka dhacay Muqdisho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this