Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Booqday Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxyadii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu booqday qaar kamid ah Cisbitaaladii la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Xasan Cali Khayre ayaa dhaawacyadaasi ku booqday Cisbitaalada Madiina iyo Odgugan Ex-Digfeer oo la dhigay dadka ugu badan,wuxuuna u kuurgalayay xaaladoodi caafimaad iyo in ay helaan adeegyo caafimaad oo kufilan iyo in kale.

Wuxuu Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo dhaawacyada,isagoo umadda Soomaaliyeedna uga tacsiyadeeyey dadkii kale oo ku dhintay qaraxyadaasi.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamuud oo kamid ahaa mas’uuliyiintii wehlisay raiisul wasaaraha ayaa ka hadlay kormeerkooda iyo waxyaabihii ay la kulmeen.

“Waxaan soo marnay Cisbitaalada Madiina iyo Digfer marka shacabka waxaaan u sheegayna in raiisul wasaaraha uu u taagan yahay in uu u shaqeeyo shacabka,waxaa taasi daliil u ah in xili dambe oo habeen ah uu socdo oo idinka warqabo,yaan la niyad jebin dalka wuu hagaagidoonaa,waan ka adkaan doonaa kooxahaasi,gacmo wadajir bay wax ku gooyaan ha la isku duubnaado,marka Soomaaliya waxaan u rajeynayaa guul iyo gobanimo” ayuu yidhi Wasiirka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this