Deeq A. Posted December 23, 2018 Mid kamid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo maamulka Puntland ayaa ku dhaliilay xukuumadda Gaas ee waqtigeeda dhammanaayo in aysan waxba ka qaban dhaqaalaha maamulkaas. Daahir Mire Jabriil oo ka mid ah musharrixiinta sanadkaan u tartamaya doorashada Puntland ayaa sheegay in waqti badan oo dhaqaalo lagu abuuri karay aanan waxba laga qaban, isagoo xusay in looga baahnaa maamulka hada jira ee Puntland in adeegyada aas-aasiga ah aanu wax badan ka qaban. Sidoo kale, Daahir ayaa sheegay in Puntland ay hadda fursado kale haysato, islamarkaana xildhibaannada loo baahan yahay iney doortaan shaqsi waxtar leh. 8-January 2019 ayaa la filayaa in magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/DR-DAAHIR-MIRE-JABRIIL-22-12-2018-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites