Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar kamid ah xildhibaanada Jubbaland oo ka cararay magaalada Kismaayo (Sabab)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka  Jubbaland  ayaa shaaciyay in laga soo masaafuriyay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii xildhibaanada sida ay sheegeen ay ka hor yimaadeen qorshe maamulka Jubbaland ay ka damacsanaayeen Dastuurka maamulkaasi oo wax ka badal la doonayay in lagu sameeyo.

Madaxda ugu sareyso maamulka Jubbaland ayay sheegeen inay kasoo masaafuriyeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Afar xildhibaan oo kamid baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in qaarkood hanjabaado ay la kulmeen, taasi oo ku qasabtay inay isaga soo baxsadaan magaalada Kismaayo oo xarun u ah maamulka Jubbaland.

Khadiijo Aadan Cabdi waxay kamid tahay xildhibaanada sheegay inay isaga soo tageen magaalada Kismaayo “Kama hadli kartaan ayaa nala yiri arimaha Dastuurka, siyaasado isdiidan ayaa ka jirta Kismaayo, afar xildhibaan ayaan gaareynaa waana kasoo tagnay Kismaayo, aniga Shaqsiyan waan isaga soo masaafuriyay”.

“Aniga markii aan arkay in la idilo rabo waan iska soo tarxiilay magaalada Kismaayo, kuwana kalana waa sidaasi oo kale”ayay tiri xildhibaan Khadiijo.

Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland ayaa awood badan ku leh magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, Waxaana uu leeyahay ciidamo si gaar ah u tababaran oo isaga ka amar qaata.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this