Deeq A. Posted December 23, 2018 Maxaas ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka xaaladda deagaanaasho ah laga dareemayo deegaanka Ceel Juqow oo hoos yimaada degmada Maxaas ee gobolkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in haatan jawiga uu yahay mid dagan, islamarkaana xaaladdu ay tahay mid caadi ah. Inta la’og yahay 10 Ruux ayaa Geeriyootay, halka 22 kale dhaawac uu ka soo gaaray, kadib dagaal Beeleed xoogan oo shalay ka dhacay halkaasi. Dagaalkan ayaa Salka ku haya arrimo la xiriira Anooyin Qabiil, kaasi oo ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Maamulka gobolka iyo kan degmada Maxaas ayaa lagu soo warramayaa in ay ku baxee qaboojinta xiisadaasi. Dagaal Beeleedyada ayaa inta badan ku soo noq noqday gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo sababa khasaarooyin kala duwan. The post Xaaladda degmada Maxaas Oo saaka degan appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites