Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin hubeysan Oo dil ka geystay degmada Ceelwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceelwaaq ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in xalay nin hubeysan uu dil ka geystay degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Dilka ayaa ka dhacay Maqaaxi ku taalla gudaha degmadaasi, kadib markii uu weerar ku soo qaaday nin ku hubeysan Qoray AK47, kaas oo dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Sharmaake Sahal Khaliif.

Marxuumka la dilay ayaa ahaa wade Mooto Bajaajle ah, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ninkii ka dambeeyay dilkaasi uu goobta isaga baxsaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ninkani hubeysan uuu a tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka degmada Ceelwaaq oo ku aadan dilkaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka geysta gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

The post Nin hubeysan Oo dil ka geystay degmada Ceelwaaq appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this