Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Baasto Oo ka Tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Galmudug garabka Cadaado Axmed Maxamuud Xasan (Axmed Baasto) oo la hadlay Shabelle ayaa tacsi u diray Ehelladii, Qaraabadii iyo dhammaan Ummudda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen dadkii shalay ku Geeriyooday qaraxyadii ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Axmed Baasto ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka kala dhaxeeya dowladda iyo laamaha amniga, si loo xaqiijiyo ammaanka.

Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku Geeriyooday qaraxyo is xi xigay oo shalay ka dhacay Agagaarka xarunta Tiyaatarka Qaranka iyoTaaldda Daljirka Daahsoon, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyadan, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen Askar iyo Saraakiil ka tirsanaa dowladda federaalka Soomaaliya.

The post Axmed Baasto Oo ka Tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this