Deeq A. Posted December 23, 2018 Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Saacadihii la soo dhaafay Al Shabaab gobolkaasi ay ku dileen Sarkaal hore uga tirsanaa oo haatan ku biiray Kooxda Daacish. Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/risaaq Maxamed Cumar Dayib, waxaana la sheegay in dhawaan uu ka baxay Al Shabaab, kuna biiray kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya. Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen Sarkaalkani oo ku sugnaa deegaanka Ceel-Cadde ee G/ Gedo, kuna dileen halkaasi. Sidoo kale Al Shabaab ayaa amray in la Toogto C/naasir Yuusuf Cabdulle Shabeel oo horay uga tirsanaa iyaga, balse dhawaan ku biiray Daacish. C/naasir Shabeel ayaa isaga iyo Dagaalyahanno uu wato waxaa la sheegay in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah deegaanka Ceel-Cadde ee gobolkaasi. Xiisad ka dhalintay arrintan, ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay ka taagan tahay gudaha deegaankaasi. The post Al Shabaab Oo sarkaal ka goostay ku dilay gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites