Sign in to follow this  
Deeq A.

Tababaraha Cusub Ee Kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjaer Oo La Kowsaday Guul Raaxo Leh.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Manchester)Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa jamaahiirta kooxdiisa kaga farxiyay hadalkii uu saxaafada u jeediyay kadib markii ay Red Devils guul wayn oo 5-1 ah ka soo gaadhay kooxda Cardiff City wuxuuna sidoo kale Ole muujiyay in ay hadda la tartami karaan kooxaha ka horeeya ee Chelsea iyo Arsenal.

F0E94A7B-7C0B-49B2-8E8E-20003FA08B0D-102

Ole Gunnar Solskjaer ayaa muujiyay sida ugu faraxsan yahay in kooxdiisa Man United ay markiiba dhaqan galisay kubbadii weerarka ahayd ee uu tababarka waqtiga kooban ku soo siiyay.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya in markasta ay kooxdiisu qaado hal talaabo oo ay kulan walba ula dhaqanto sidii kulankii Cardiff City wuxuuna sidoo kale ka hadlay qaabkii ay kooxdiisu u dhaqan galisay qorshihii uu doonayay.


Ugu horayn Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlaya in markiiba hal kulan ka fikiri doonaan si ay farqiga dhibcaha kaalmaha sare ee Chelsea iyo Arsenal u soo yareeyaan ayaa yidhi: “Hadda waxaanu qaadanaynaa markiiba hal kulan. Waxaa hore lanoogu qabtay 8 ama 9 dhibcood , laakiin waxaa waajib nagu ah in aanu waqtigiiba hal talaabo qaadno’.

Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlaya qiiradii uu la soo laabtay ayaa yidhi: “Anigu waan u hanwaynaa soo dhawayntii aan ka helnay jamaahiirta, todobaadka oo dhan qiiro ayay ahayd. Laakiin waa bilaw, waananu ka socon doonaa” Waana hadal uu Ole jamaahiirta kooxdiisa kaga farxiyay in ay dadaalka sii wadi doonaan.

Intaa kadib Ole Gunnar Solskjaer ayaa farxad ka muujiyay sidii ay kooxdiisu u dhaqan galisay qorshihii uu ciyaarta ka lahaa wuxuuna yidhi: “Shalay waxaanu qaadanay tababar iyo sida ay ciyaartu noqonayso , waxaanu doonaynay in Ashley Young iyo Luke Shaw ay in badan riixaan, si fiican ayay maanta u shaqaysay”.

“Heerka shaqadaadu waa wax sahlan in laga shaqeeyo,, waa xoriyad, waa maskaxda iyo in wiilashu ay dhaqan galiyaan.Haddii aanu kulamada oo dhan sidan ku qaabilno, anaga oo doonayna in ay sidan dhamaantood ku wahahaan oo ah ku ciyaaris hami iyo ku ciyaarista weerar, kadib waanu faraxsanaan doonaa: ayuu Ole hadalkiisa sii raaciyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this