Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Shabelle Oo raali gelin ka bixiyay War si qaldan uga baxa Idaacadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maamulka Shabakada Warbaahinta Shabelle waxa ay raali gelin ka bixinayaa war ku saabsan in la xiray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo aabare 1:30 duhurnimo laga baahiyay Radio Shabelle.

Kaddib baaris iyo dabagal dheeraad ah oo ay Maamulku ku sameeyeen Warkaasi, waxa la xaqiijiyay in uu been abuur ahaa, islamarakaana aysan jirin xarig lagu sameeyay wasiirka.

Xubno ka tirsan Xafiiska Wasiirka oo la soo xariiray Shabakada Warbaahinta Shabelle waxa ay beeniyeen warkan, waxana ay dalbadeen in raaligalin laga siiyo wasiirka warkaasi.

Ugu danbeyn Maamulka Shabakada Warbaahinta Shabelle waxa ay dhageystayaasheeda iyo Wasiirkaba ka raaligalineysaa warkaasi oo si qaldan u baxay.

Shabelle waxaa ka go’an in bulshada ay si dhex-dhexaad ah ugu shaqeyso Bushada Soomaaliyeed ee ay u adeegto.

The post Maamulka Shabelle Oo raali gelin ka bixiyay War si qaldan uga baxa Idaacadda appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this