Deeq A. Posted December 22, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Alle-ha-unaxriistee, waxaa galabnimaddii Sabti lagu aasay magaalada Muqdisho wariye Cawil Daahir Salaad. Suxufiga ayaa kamid ahaa Tobaneeyo ruux oo ku geeryootay qaraxyadii Barqinimadda maanta ruxay magaalada caasimadda ah. Cabdullaahi Xirsi, agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee Tv-ga Universal, oo uu ka tirsanaa Marxuum Cawil ayaa tacsi udiray ehelka iyo asxaabtiisa. Cabdullaahi Carabey, Maxamed Dubud iyo shaqsi kale oo magaciisa lagu soo koobay Ibraahim oo ay Cawil kawada tirsanaa Telafishinka Universal, ayaa kamid ahaa dadkii maanta la aasay oo uu qaraxu galaaftay. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wariyaasha ka howlgasha Muqdisho qaarkood ayaa kamid ahaa dadkii Aaska ka qaybgalay. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhabarka saaratay inay ka dambeysay qaraxyaddani xili hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ay shaacisay inay gacanta ku dhigtay ninkii soo abaabulay. Madaxwayne Farmaajo oo cambaareeyay wuxuu carabka ku dhuftay in marnaba aysan dowladdu udhutin weeraraddaan noocaan ah oo uu ku sifeeyay kuwa “bahalnimo ah”, sida lagu xusay bayaan kasoo baxay xafiiskiisa. The post Mas’uuliyiin ka qaybgashay Aaska wariye Cawil Daahir appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites