Deeq A. Posted December 22, 2018 Muqdisho (Caaismada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda labadii qarax ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu dilay dad gaaraya ilaa 20 qof. War rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayay ku sheegatay in qaraxyada oo ahaa kuwa is xig-xigay ay la beegsatay koontaroollada laga galo xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia. Qoraalka Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegau in weerarkan lagu dilay saraakiil iyo askar ka tirsan ilaalada madaxtooyada iyo xubno kale. Ma jirto cid xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab ee ah inay dileen ilaalada madaxtooyada. “Daqiiqado kadib ayaa qarax kale lagu beegsaday goob baabuurta la dhigto, oo isna lala helay ciidamo gurmad ah oo ku soo wajahnaa goobtii uu qaraxii hore ka dhacay, goob joogayaal waxay sheegeen in Meydadka iyo dhaawacyada askar iyo saraakiil katirsan Dowladda Federaalka laga qaaday goobta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab. Ku dhawaad 20 ruux ayaa ku dhintay qaraxyada maanta, waxaana ku dhaawacmay dad intaasi ka badan, iyadoo dadka ugu badan ee waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen rayid ku sugnaa goobaha qaraxyada ay ka dhaceen. Dadka ilaa iyo hadda la aqoonsaday inay ku dhinteen qaraxyada ayaa waxaa kamid ah Wariye Cawil Daahir Salaad, Darawal gaariga u waday iyo shaqaale ka tirsan TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites