Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda DF oo ka hadlay qaraxyadii maanta hal arrin-na wacad ku maray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dad badan ay ku dhinteen kuwo kalana ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay weeraradii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo masuuliyiin dowladda ka tirsan ay dhaawacyo kasoo gaareen.

“Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Jannadiisa ku manneysto dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee Shabaab ku beegsadeen qaraxyadan, intii dhaawacyadu gaareena iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in uu siiyo caafimaad degdeg ah.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa wacad ku maray in weerarada Shabaab aanay cabsi galin doonin shacabka iyo dowladdaba in ay gaaraan ahmiyadaha horyaala ee dhinacyada horumarinta, amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo u adeegidda bulshadda isagoona yiri “weeraradda Shabaab ku beegsanayso shacabka aan waxba galabsan nagama leexin donaan dhabbaha horumarka.”

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman ayaa Shacabka Soomaaliyeed dhankiisa uga tacsiyadeeyay askartii & shacabkii ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa U rajeeyey Caafaad degdeg ah dadkii Kale ee Ku Dhaawacamay Qaraxyadaas Oo uu Kamid ahaa Xildhibaan Warsame Maxamed Joodax Oo Ka Tirsan Mudanayasha Golaha Shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this