Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiiska Erey bixinta Af-Somalilga ee Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxan aad ugu mahadnaqayaa akhyaarta ka qayb qaadatay raadinta erey-bixinta Af-Somali ee ereyga Agenda ee English-ka ah een shalay soo dhigay bartaydan Facebook.Waxa cad inaan ilaa hadda la hayn erey af-Somali ah oo la macno ah Agenda (marka laga tago ereyo isa saaran oo macnaynaya ereyga).

C1A266BC-6FF8-433B-93FA-3BB049E27A11.png

Haddaba waxa xaqiiq ah inay jiraan Erayo badan oo kan la mid ah, si joogta ahna ugu jira hawl-maalmeedka maamul ee dalka(kuwa dawladda iyo kuwa ganacsiga gaaraka ahba). Qaar badan oo kamid ah ereyada aan afkeenna ahayn ee English ama Carabi aynu ka qaadannay ayaan idinla wadaagi doonaa dhowaan.

Haddaba in ereyga afkeenna laga waayaa qalad maaha balse waxa qalad

ah inay xafiisyada wada shaqaynta lihi erayo kala duwan u adeegsadaan turjumada hal erey sida AGENDA!
Waxay aniga ila tahay in la yagleelo Xafiiska Erey-bixinta Qaranka oo isagu dejin doona erey bixinta afka oo si isku mid ah dalka loogaga dhaqmo. Arrintan waxaynu iska kaashan karraa dalalka kale ee Af-Somaligu mudankooda yahay.

Waxa xusid mudan inay dalalka carabtu wada leeyihiin Xafiiska erey bixinta (Language Standardization office) https://ar.m.wikipedia.org/wiki/ oo isagu arrimaha cusub ee caalamka ku soo kordha u magac bixiya. Magac bixntaas oo ay dhammaantood qaataan oo adeegsadaan. Tusaale: Xafiiskaa ereybixnta carabu waagii uu Computer-ku soo baxay wuxu u bixiyey magaca XAASIB AALI, balse markii Calculator-ku soo baxay bay caqabad la kulmeen oo ka cusubi uga dhowaaday macnaha magacani xambaarsan yahay, dabadeed mar kale ayey ka fadhiisteen magacyada ay labadaa aaladood u kala bixinayaan. Waxay go’aamiyeen in magaci XAASIB AALI uu munaasib ku yahay Calculator-ka oo ay isaga u bixiyeen, Computer-na loo daayo in ereyga Computer sidiisa loo carabiyeeyo oo maanta waa Computer afka carabiga.

Waxa laga yaabaa inay dadka qaar u arkaan inanu Xafiiska Erey bixintu xilligan mudnaan lahayn laakiin aniga siday ila tahay waa xafiis aan kellifi doonin dhaqaale badan balse wax weyn ka tari doona toosinta maamulka, waxbarashada, kaydinta dhaqankeenna soo jireenka ah iyo arrimo kale oo horumarka halbowle u ah.

Aqoon-yahanka dalka waxan ku boorrineyaa inay arrimaha siyaasadda ee aadka loogu mashquulay ku daraan siday iskaga kaashan lahaayeen waxna uga qaban lahaayeen arrimaha kale ee faraha badan ee toosinta iyo tayeynta u baahan ee dalka yaalla.

Ammaana Alla

Cali Aadan Cawaale

aliaawale1@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this