Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Qaraxyo Dad Badan Ku Dhinteen Oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay shacabkii iyo askartii ku geeriyooday qaraxyadii maanta ka Dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku shahiiday qaraxyadaas .

“Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Jannadiisa ku manneysto dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee kooxda arxan laawayaasha ah ku beegsadeen qaraxyadan, intii dhaawacyadu gaareena iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in uu siiyo caafimaad degdeg ah.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyey Ciidammada Qalabka sida ee mar walba u taagan qorraxda iyo dhaxanta in ay sugaan amniga, kana hortagaan cadawaga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this