Deeq A. Posted December 22, 2018 Wasiirka duulista hawada Soomaaliya oo goordhow la hadlay wariyaasha ayaa been abuur ku tilmaamay warar uu sheegay in laga faafiyay. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in warkaasi ay soo abaabuleen dad dano gaar ah leh oo ay kamid yihiin shirkado dano siyaasadeed ka leh Soomaaliya iyo siyaasiin mucaarad ah. Warkaasi oo ay baahiyeen qaar kamid warbaahinta Soomaalida ayuu wasiir Oomaar ku sheegay in ay tahay mid aan waxba ka jirin. Waxa uu soo hadal qaaday warar la is la dhexmarayay oo ku aadan in Wasiirka lagu heysto arimo musuqmaasuq iyo shirkad uu shaqada ka joojiyay ayuu arimahaasi ku sheegay in ay tahay mid aan waxba ka jirin. Qaar kamid ah Warbaahinta Soomaalida ayaa tabisay warar la xariira in Wasiir Oomaar loo heysto arimo musuq maasuq. Hoos ka dhageyso codka Wasiirka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Wasiir-Oomaar.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiir Oomaar oo beeniyay in musuqmaasuq loo xiray appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites