Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA Oo sheegtay in la qabtay ninkii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigay ninkii hoggaaminayay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in Ciidamaa amnigu ay soo qabteen wadahii Gaarigii danbe ee ku qarxay Taallada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere.

War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in weerradan qorshahoodu uu ahaa in lagu laga beegsado xarunta Murtida iyo madadaalada ee National Terte-ka Qaranka,halkaas oo Maalmahan ay Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda oo iskaashanaya ay dayactir ka wadeen.

Qoraalkan ayaa gebagabdii lagu yiri ,” ficilladooda arxandarrada ah nama wiiqo doono, dibna nooma celin doono inta Ciidanka iyo Shacabka iskaashanayaan”

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyadan oo labo ahaa, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen Saraakiil iyo Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.

The post NISA Oo sheegtay in la qabtay ninkii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this